afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:06 pm | Posted by

Daawo=Sawiro:-Van Persie Oo Saddex Gool Ee Ugu Horeysey U Dhaliyey Man United Kuna Hogaamiyey 4Gool3-2 Ugaga Badiyeen Southampton

Kulankii 3aad ee Man United u safato Premier League oo ay la ciyaarayeen kooxda ku soo biirtey sanadkan Premier League ayaa waxa ay ku soo bilaabeen ciyaaryahano daafaca,dhexe iyo weerarka isku dheelitiran.

Man United ayaa waxaa ay soo saftay ciyaaryahano qaarkood dhaawac ku maqnaa waxaana uu bedelay goolhaye David De Gea isagoo soo geliyey Lindegaard.

Waxay ahaayeen ciyaaryahanadii u safnaa Man United Lindegaard, Rafael, Ferdinand, Vidic, Evra, Valencia, Carrick, Cleverley, Welbeck, Kagawa, Van Persie

Ferguson oo uu ahaa kulankan kiisii kumaad ee Premier League ayaa waxaa loogaga naxsaday kooxdiisa daqiiqadii 16aad gool qurux badan oo uu u dhaliyey weeraryahanka Southampton ee Ricky lampert oo lambarka 7aad u sitey kooxda martida loo ahaa.

Hase yeeshee shan daqiiqo kadib ayaa kooxda Man United ay u suurtogashay in goolkii barbaraha ay hesho waxaana goolka u dhaliyey ciyaaryahanka dhowaan ku soo biirey ee van Persie oo kubbad meel ku dhow afka goolka ka helay kubbad kadibna dhinac mariyay goolhayaha Southampton.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay 1-1, qeybtii ciyaarta ayaa markii ay afar daqiiqo socotay ayaa fursad wanaagsan oo ay heshay Man United waxaa goolka dhinac mariyey Kagawa.

Ciyaarta ayaa waxaa 2-1 ka dhigtey ciyaaryahanka lambarka 4aad ee kooxda Southampton Schneiderlin kadib markii kubad gudub ah oo loo soo dhigey uu si qurux badanmadaxa ugu dhaliyey, waxana uu ka faa’ideystey kadib markii daafaca Evra uu dhulka ku dhacay.

Tababare Ferguson ayaa markii goolka labaad laga dhaliyey waxa uu soo geliyey Scholes iyo Nani waxaana dadaal ay sameeyeen kadib ay heleen rigoore hase yeeshee rigoorihihii ayaa waxa badbaadiyey goolhayaha Southampton isagoo kubada banaanka ka mariyey goolka isagoo gacantiisa bidix oo kaliya isticmaalay.

Van Persie oo aad uga naxay rigooradii laga bixiyey ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey waxa uu dhaliyey labo gool oo isku xigta iyadoo goolkii 3aad ee guusha uu dhaliyey daqiiqadii koowaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Kooxaha Newcastle iyo Sunderland ayaa isla dhaafi waayay barbaro 1-1 kadib markii ay maanta isaga horyimaadeen kulan kamid ah horyaalka Premier League.

Goolki koowaad ayaa laga dhaliyey kooxda Newcastle qeybtii hore ee ciyaarta hase yeeshee qeybtii dambe ayaa waxaa badbaadiyey kooxda NewCastle Ben Afra oo u dhaliyey goolkii barbarada.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM