afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:09 pm | Posted by

>>>>> GABAY LA MAGAC BAXAY Halaag??????

 1 Hayaag iyo wacays aadan’baan cidi horjoogayne

2 Hamran maayo reer Cali hadii hawd la reeraro’e

3 Hanaddada Cigaal Naalayaan lagu haggaagayne

.

4 Haamahakalee Odala iyo hurrimadii Aadan

5 Hindida Maxamed muusiyo Yaxyaa huriya baaruude

6 Hagar iyo dagaal khaalid galay haadku gabasleeye

.

7 Haraad iyo sidii aar inbadan gaajo hogan waayey

8 Oo geel habeensaday heloo halla irmaan laayey

9 Oo daribta haan fiirayaan weli hamuun beelin

.

10 Hunguri’baan wedkiisa arkin iyo qodaxda hoostaale

11 Hadhaagiyo dhurwaagii isyidhi aad hambada dhawrto

12 Haduu kugu hammaansado darwiish hiilan dirriraaya

13 Haadaan inaad jiidhaysaan hubanti weeyaane

.

14 Hargeysa iyo nimankii Burciyo huunadii Gebiley

15 Heedadawga iyo wiilshii haddadu noo keentay

16 Hagar daamadii gaadhay iyo halisti loo geystey

.

17 Iidoor halaag baa ku dhacay hawlgalkii shalaye

18 Hadhka galay hujuumkii ahaa lagu halaakeeye

19 Hiirtiyo arroortii markale holoc la leefsiiye

.

20 Harreeraha markii lagaga riday laguna hayl haylay

21 Hanqadh iyo sidii jibin markay hinninigtii yeedhay

22 Hugunkii rasaastiyo jugtii fuley na’hayn waayey

.

23 Labajeer markii la huwiyoo loogu dhigay hoosta

24 Hanfarriirka iyo baydadkay huga ka yaaceene

25 Habaas iyo waxay ku hafiyeen heego iyo boodhe

.

26 Hadaa hawdka laga daydayaa haydhafkii lumaye

27 Habaw’gooda iyo fiigihiyo hadafku waa mooshe

28 Hargeysiyo burcaa lagu hayaa habaq lahoodiiye

.

29 Haadkiyo waraabuhu ka dhereg hebela doodiiye

30 Hogii boqolka lagu aasay iyo hallalka dheeraaday

31 Hagoogane waxay kaga tageen hurimo waa weyne

.

32 Ka hantiye waxbadanay hayeen hogoshka iidoore

33 Hayinkay wateen iyo hubkii qaar la soo hadhe’e

34 Hadeeray iswada hiifiyoo’ ciil hamiyayaane

.

35 Heliwaaye taladii haday hubin lahaayeene

36 Hadhuub’kiisu nimu buuxsamaan laba haleelsiine

37 Hadoodaa dhamaataye malaha nama haweys teene

.

38 Hadhsi iyo habeen iyo markii hoyasha loo diidey

39 Hujuun iyo markii weerrar uun lagu harraad siiyey

30 Ka hulleeshay Soomaaliland hawd intay timiye

.

40 Inkastaanay haamaha kaliyo Cali ka hoosaynin

41 Oo aan halkay kaa xigaan dhaxani kaa haynin

42 Hawd lagama faaneen hadaan Hagar u noolayne

.

43 Horweyn laguma foofsheen taniyo haradda ciidde

44 Hanadaa illaahay kadhigay aad isku hallayne

45 Harreeraha kadhaaf cadowgu oo ma hungurreeyaane

.

46 Huda dhexe qolyihi yiiley male hiil u dirrirkiiye

47 Hakad bay galeen labada reer oo halkaa dega’e

48 Hawl kuma qabaan cadowgu iyo inay halgaadaane

49 Marse hadii Qayaad la’is herdiyo waa Hidleer kacaye

50 Labadaba hankii aan u qabay hoos usoo noqoye

.

51 Hoos iyo hadii aan Nugaal yarehe hoommaayo

52 Hilba dirririwaa Jaamacii noo horrayn jiraye

53 Haybkale sidii uu yuhuu naga horjeedaaye

.

54 Ma haboona meeshay warmaha kula haggaageene

55 Waxkastay hibteen maanta way marin habbaabeene

56 Halka ay hayaanka u rarteen waa habeen dhixide

57 Iyagana hankii aan u qabay lagurid hoobaaqe

.

58 Hadhuudhkiyo Ugaadhyahan kabadan hiisha dooxada,e

59 Hindi iyo waxaa lagu meslaa haatan shiinaha’e

60 Hungo maaha duul buu fakhrigu lugaha haystaaye

61 Hanti bay hayaan oo qabiil hodona weeyaane

.

62 Hayeeshee ka toosaay hurdada haatan laga waaye

64 Hebed bay noqdeen nimanki aan ugu han weynaaye

63 Habisaa la saaraye Burcay hanan lahaayeene

55 Hubka qaata kala quustay iyo tuura heeryada’e.

.

56 Hubsashaa Ugaasyiyo Qayaad looga dhigay hawle.

57 Hungurigaan u qabay Cumar Wacays waa hallaan jirine

58 Hiil haday lahaayeen hadeer gabe hakoodiiye.

69 Hagrashaa Nugaaleey jirtee laguma hays teene.

a .xarago xafiiska wararka ee Birmingham

hurreaxmed@yahoo.co.uk

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM