Mid kamid ah Ciidamada Jufida Siilaanyo Oo Wiil Yar Xabad Madaxa uga Dhuftay
Taliye Saldhig Boolis Oo Ciidamada Siilaanyo ah ayaa Xalay Madaxa ka Toogtay Wiil Dhalinyar Ah Oo Da’diisu Taay
16jir Iyo Goobta Oo Aheyd Madal aroos ..
Taliyaha Saldhiga Daloodho Maxamed Siciid Aw Cabdi ayaa xalay Madaxa xabad kaga dhuftayWiil
dhalinyaro ah oo la yidhaahdo C/raxiim Cawil Xasan Xuseen. Kaasoo la sheegay inuu joogay xaflad Aroos ah.
Wiilka uu Taliyuhu Toogtay oo la sheegay inay da’diisu tahay Lix iyo Toban jir ayaa markii ay Xabadu madaxa kaga dhacday
loola cararay Cisbitaalka Guud ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo lagu daweynayay xalay dhaawaciisa.
Mid ka mid ah Ehelada Wiilka ay Xabadu ku dhacday ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u liidatay oo ay Xabadu
meel xun kaga dhacday, isla markaana waxa uu ka dayriyay Noloshiisa.
Waxaana uu sheegay taliyahan xabada kudhuf tay wiilka ayaa kasoo jeeda beesha siilaanyo halkasoo uu si,aano ah ugu dilay wiilkan yar oo aan isagu waxba gaysan.
Sarkaalkan Toogashada geystay ayaa la sheegayaa in dhawaan la qoray Ciidanka, waxaanay dadweynaha xaafadda degani
dhawr jeer ka muujiyeen Cabashooyin farabadan, iyagoo sheegay inuu doonayay aar goosi.
Inta badan Ciidamada Maamulka soomaalind ee kasoo Jeeda beesha siilaanyo ayaa marka ay hawl galada kawadaan deegaanada gacanta ugu jira ku kaca falal aar goosi ah.
Fu,aad Karaama Jama
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com