WAR NAXDINLEH:-Ciidamada Kenya oo si arxan daro ah gobalka J/hoose ugu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan
Ciidamada dalka Kenya ayaa lagu soo waramaayaa inay si arxan daro ah gobalka J/hoose ugu dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoona wararka ay sheegayaan in dadkaasi ay ahaayeen kuwo xoolaleey ah.
Dadkaan oo isaga sugan deegaan duuleedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose ayaa waxaa la sheegay inay u yimaadeen ciidamada Kenya, waxaana ay dileen seddax nin oo da’ah misane xoolo ilaalsanaayay, iyagoona rasaas culus ku riday ilaa dadkaasi ay cad cad u kala go’aan.
Mid ka mid ah ehelada dadkaan oo lasoo hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkaan ay ku kaceen ciidamada Kenya, iyagoona sheegay in ciidamadaas ay noqdeen kuwo dhibaato xoogan ku haaya umada Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Dhanka kale saraakiisha dowladda Kenya ayaa beeniyay inay dad shacab ah dileen, iyagoona sheegay hadii ay cadaato in ciidamadooda ay dilaan dadka shacabka ah inay xaal marin dhiibi doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa markaan u muuqata mid ciidamadeeda u fasaxday inay dilaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan islamarkaana ku sugan dalka Soomaaliya, hase ahaa hadii ay midasi sii socoto waxaa laga yaaba in dadka shacabka ay dhibaato kasoo gaarto.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com