afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:31 pm | Posted by

Cristiano Ronaldo: Ma Dabaaldegin Sababtoo Ah Ma Faraxsani, Kooxdana Waa Ogtahay Sababta.

Cristiano Ronaldo ayaa diiday inuu u dabaaldego goolashii uu xalay ka dhaliyay Granada xilli kooxdiisa ay guushii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan ka gaartay horyaalka Spain.

Sida muuqatana waxa uu ciyaaryahanka fariin qarsoon u dirayay xubin aan la magacaabin oo ka tirsan maamulka kooxda.

Iyadoo wariyayaasha ay weydiiyeen labadiisii gool ee uu dhaliyay, Ronaldo ayaa si aayar ah u sheegay inuusan u dabaaldegin guushii 3-0 ee ay ka gaareen Granada sababo la xiriira shaqadiisa iyo inuusan faraxsaneyn.

“Dadka kooxda maamula waa ogyihiin sababaha aanan u dabaaldegin goolasha” ayuu ciyaaryahanka reer Portugal u sheegay suxufiyiinta sida ay qortay wakaalada wararka Spain EFE.

“Ma dabaaldego marka aan dareemayo murugo. Waxaana ay la xiriirtaa arimo shaqadeyda ah.

“Dadka kooxda ka shaqeeya waa ogyihiin sababta aanan u faraxsaneyn. Mana doonayo inaan wax intaas ka badan iraahdo.”

Suxufiyiinta ayaa markaasi ka dib weydiiyay in dabaaldeg la’aantaan ay sabab u tahay inuu laacibkii sannadka Yurub u waayay Andres Iniesta, ayna keentay inuu iska daayo dabaaldeg, waxa uu sheegay inaysan wax lug ah ku laheyn haba yaraatee.

“”Wax shaqo ah kuma lahan guushii Iniesta ee laacibka sannadka Yurub. Wax intaas ka badan kama hadlayo arintaan, waxaan haatan diirada saarayaa Portugal. Waxyaabo badan oo ka muhimsan arintaan ayaa jira.”

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM