Musharaxiinta u tartamaaya xilka madaxweynaha Soomaaliya oo si aan caadi ahayn u tagay halka ay ka socoto diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha.
Iyadoo maanta xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ka socotay diiwaan gelinta xubnaha musharaxiinta ee u tar tamaaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadana maanta waxaa halkaasi gaaray musharaxiin aad u badan oo doonaaya inay is diiwaan geliyaan.
Musharaxiin ka badan 20 ayaa la sheegay inay maanta tageen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana ay soo qaateen foomamka la isku diiwaan gelinaayo ee la rabo in musharax walba uu soo buuxiyo, iyadoona sidoo kale musharaxiinta la siiyay Lambar Account oo bangioga dhexe ah oo la doonaayo in 10-ka kun ee doolar ay kusoo shubaan.
Gudiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta si caadi ah ay u qabsoontay howshooda, islamarkaana labada maalin ee u hartay ay rajeenayaan wax walba inay kusoo gaba
gabeeyaan.
Si kastaba ha ahaatee 10-ka bishaan aynu ku guda jirno ayaa waxaa la filaayaa in magaalada Moqdisho ay kadhacdo Doorashada madax waynaha Dalka soomaliya
Xafiiska Shabakada afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
afbakaylenews@gmail.com