TopNews:-Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo ceeb aad u daran dhex fadhiya
Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya ay ku suganyihiin musharaxiin aad u badan misane raba inay u tar tamaan xilka madaxweynaha ayaa qaarkood waxa ay yihiin kuwo ceeb aan horay loo maqal dhex fariistay.
Musharaxiinta ceebeesan oo aanay dooneen in halkaan aan kusoo baahino magacyadooda ayaa hadana waxaan jecelnahay waxyaabaha ay ku ceeboobeen qaarkood inaan banaanka idiin soo dhigno si idinkana aad u wada ogaataan.
Sida aad la wada socotaan magaalada Muqdisho waxaa ku sugan barakacayaal aad u badan oo Soomaaliyeed, waxaana ay ka kala yimaadeen gobalada dalka Soomaaliya, iyadoona qaarkood xitaa ay si qal qiil ah ku seexdaan guryo ka sameesan cooshado iyo baco ayna u dheertahay gaajo aad u daran.
Hadaba rag ka mid ah musharixiinta ayaa u tagay dad barakacayaal iyaga oo u geeyay boorar ay sawiradooda kusoo xardheer, Koofiyado iyo Funaando la mid ah, halka laga sugaayay in dadkaasi ay u geeyaan wax ay cunaan ama ay dhaxanta ka xirtaan ama baco roobka ay kaga gambadaan.
Waxaaba midaas kasii daran in qaarkood ay sameesteen Boorar waaweyn oo qiyaastii 6 Mitir ah balac iyo dhiri lagu dhejiya Sawir weynin badan iyadoona qarashka ku baxaaya boorkooba aanu ka yareen 300$ ilaa 500$, taana waxay ku tuseesaa in aanay jirin cid dan ka leh umada Soomaaliyeed marka laga reebo musharaxiinta qaarkood oo xilkaan si daacad ah ugu ordaaya.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
afbakaylenews@gmail.com