afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:58 pm | Posted by

WAR DEG DEG AH:- Al-shabaab oo ciidan iyo saanad Milatari ku waayay duqeyn culus oo ka dhacday Kismaayo.

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay goor dhaw soo gaartay qasaare aad u xoogan taa oo ku saabsan in ay waayeen ciidamo aad u badan iyagoona dhanka kale laga gubay saldhig ku yaalay Kismaayo oo hub aad u badan uu ugu jiray ka dib markii ay halkaasi duqeeyeen Maraakiib dagaal oo xeebta Kismaayo ku sugan.

Maraakiib dagaal oo loo maleenaayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn aan caadi ahayn waxa ay kala daaleen magaalada Kismaayo waxaana meelaha ay duqeeyeen ku jiray saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeenmagaaladaasi, iyadoona ciidamadii ugu badnaa Alshabaab ay maanta halkaasi ku waayeen.

Inta la xaqiijiyay 12 ka mid ah ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ku geeriyootay iyadoona dhaawaca uu intaasi ka bdanyahay, waxaana wararka ay sheegayaan sidoo kale in Al-shabaab laga gubay saldhigaasi oo hub aad u badan uu ugu jiray, iyadoona saldhiga markii Madaafiicda ay ku dhacday laga maqlay qaraxyo rasaas ah oo aad u xoogan.

Dhanka kale waxaa isa soo taraaya qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee soo gaaray dadka shacabka ah, iyadoona lasoo sheegaayo in shacabka ay isaga wada baxeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “WAR DEG DEG AH:- Al-shabaab oo ciidan iyo saanad Milatari ku waayay duqeyn culus oo ka dhacday Kismaayo.”

  1. mohamed haji
    September 3, 2012 - 8:20 pm

    afbakayle meel magac wayn baad wadataan oo gaalo ku jabtay laakiin waad iskala baxdeen niman qan daraas qaatay ayaad u egtihiin markaad kenya ayaa qabsanaysa ilaah idin ku fashilay ayad bolowdeen duqaan baa ku socota gaalo islaam duqaynaysa maxaad kaga faraxsantihiin dhulbahantow sharaf iyo karaamo ilaah wuxuu idinku siiyey inaad gaalo la dagaalan teen idinkoo bakhtiga cuna oo ilmaadeertiina naago isku layso maantana ilaa aad diintii unoqotaan iyo jihaadkii saasaad ku jiraysaan bayna faroole iyo siilaanyo

    Reply
    • somali boy
      September 4, 2012 - 9:03 am

      asc dhamaan umada somaliyeed ee ku xiran boga afbakayle.com salaan qaali ah kadib waxaan rabaa inaan ujawaabo walaalkeyga jaah wareersan ee ku dhuumanaya diinta sharafta badan ee islaamka warkana sii badin maayo anigu horta dhulbahante ma ahi oo allaah ayaa igu og lkn waxaan leeyahay al-shabaab iyo al-qaacido diin kuma dhaqmaan kamana runsheegaan hadii aanahay dhalinta maskaxda fayoow ee somaliyeedna idinka dhagaysanmeyno nooma haysaan anaga diin diin waa tii aan ku dhalanay 100 awoowe kabadan ayaan muslimiin ahayn hadana waan ahaan doonaa cida xaq wada ama runsheegaysa ayaana guusha ku dambeyn doonta al-shabaab iyo al-qaacido ha dhacdo waana kabaxay

      Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM