Daawo+Sawiro:-Prof. Cali Ciise Cabdi : Waxaanu Diyaar U Nahay Waxqabadka Dalka Iyo Isu Keenista Umada Soomaaliyeed
Kulan balaaran oo qado sharaf ah oo uu soo qaban qaabiyey prof .cali
ciise cabdi oo dhowaan la socday wafdigii madaxweyne shariif sheikh
axmed ee dhowaan soo gaaray muqdisho ayaa maanta waxaa wada yeeshay
golaha sare ee dhaqanka khaatumo state ,masuuliyiinta dowlad
goboleedka khaatumo ,xildhibaano dowlada Federaalka somalia ee kasoo
jeeda degaanada khaatumo state iyo weliba marti sharaf kale oo isla
deegaankaasi ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho
kulankan ayaa lagu gorfanayey waxqabadkii intii ay jirtay khaatumo
state iyo weliba sidii loo higsan lahaa horumarka nabada iyo midnimada
umada soomaaliyeed loogu jiro sidii ay u gaari lahayd iyo weliba xog
waran uu prof .cali ciise cabdi ugu waramayey labada gole ee khaatumo
state iyo mudanayaasha baarlamaanka somalia ee kasoo jeeda
deegaanadaasi
Md cali ciise cabdi oo ugu horayntii hadalka furay ayaa daboolka ka
qaaday inuu umada reer khaatumo ugu hambalyaynayo danta qaranka
soomaaliyeed sida ay ugu garab taagan yihiin islamarkaana isu keenka
midnimada ay hurmuudka u yihiin taasoo aan ahayn mid hada bilaabantay
ee ay tahay ayuu yiri mid soo jireen ah
sidoo kale Md cali ciise cabdi oo la weydiiyey imaatinka magaalada iyo
ujeedkiisa inuu ka qayb gali doono dowlada cusub ee somalia ayaa
carabka ku adkeeyey in midnimada horumarka nabadu ay tahay mid muqadas
ah islamarkaana uu dalka ugu soo laabtay waxqabadka dalka iyo dadka
soomaaliyeed
dhinaca kale Xildhibaan pro, cali khaliif galayr ayaa dhankiisa
kulanka ka hadalay isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka
quruxda badan islamarkaana ay soo dhoweynayaan cali ciise cabdi
dhamaantoodna ay diyaar u yihiin badbaadinta qaranka soomaaliyeed
Madaxweyne ku xigeenka khaatumo state c/nuur cilmi qaaje oo madasha
hadal kasoo jeediyey ayaa dhankiisa u mahad caliyey md cali ciise
cabdi islamarkaana carabaabay in tashiga khaatumo ay mar walba tahay
magaalada taariikhiga ah ee taleex islamarkaana uu soo dhoweynayo inay
talo wadaag talex iyo xaruntii aas aaska dowlad goboleedka khaatumo
state
Geba gebadii kulanka ayaa waxaa soo afmeeray garaad saleebaan garaad
maxamed oo sheegay inay sharaf weyn u tahay isu imaatinkoodani
islamarkaana ugu mahad celiyey md cali ciise cabdi isagoo shaaca ka
qaaday in kulanka uu yahay xog waraysi golayaasha khaatumo state waxii
ay qabteen intii ay jireen iyo weliba sidii la yeeli lahaa waxii
iminka ka dambeeya garaadka ayaa farta ku fiiqay in madasha wada
tashigu ay iyagu diyaarinayaan .
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/somaliya
Yaasiin faytin
afbakaylenews@gmail.com













