afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:10 pm | Posted by

Dhagayso:-Dallad Ururo Haween oo ay ku Bahoobeen Haween Weynaha Sanaag iyo Sool oo Hawlo Shaqo ka bilaabay Goboladaasi

Waxa Dhowaan Gobolada Sool iyo Sanaag  hawlo shaqo oo dhanka adeegyada Bulshada ah ka bilaabay Dalad ay ku midoobeen ugu yaraan 15 Urur samofal  Haween oo ka jiray Gobolada Sool iyo Sanaag.

Nasra Ismaaciil Cabaase oo ah afhayeenka Dalllada Ururka Haweenka   Hoodo iyo Nasiib ee ay ku Midoobeen Ururuada Haweenka Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa (NM) u sheegtay in ay bilaabeen inay dhagax dhigaan Cisbitaal laga dhisayo Deegaanka Awrboogeys.

Sidoo kale Aamina Cali yare oo ah Gudoomiyaha Dallada Hoodo iyo Nasiib ayaa Xustay in Daladoodu ay wax ka qabanayaan dhamaanba adeegyada dhanka Bulshada ee ay u baahanyihiin Bulshada ku dhaqan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Gudoomiyaha Dalada Hoodo iyo Nasiib ayaa sidoo kale Xustay in Daladoodu ay Xafiisyo uga furanyihiin inta badan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Hoos yimaada Goboladaasi sidoo kalena ay Xafiisyadooda ku Baahniyaan Guud ahaanba Deegaanada aysan weli gaadhin.

La dagaalanka Xaalufka iyo Nabaad guurka,Caafimaadka , Waxbarashad, Baadi goobka miyo Nadiif ah oo  la cabo, Daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka  ayaa ugu muhiimsan Hawlaha ay qabanayaan Dallada Haweenka  ee Hoodo iyo Nasiib.

Afhayeenka Dalada Hoodo iyo Nasiib Nasra Ismaaciil Cabaase  ayaa ugu Baaqday guud ahaanba  Qurbo joogta Deegaanada Sool iyo Sanaag, hay,adaha Caalimiga ah ee dhanka Samafalka iyo Maamulka Dawlada Federaalka inay gacan ka siiyaan sidii wax looga qaban lahaa Baahiyaha Asaasiga ah ee ka jira Deegaanada Sanaag iyo Sool.

 

Halkan Ka Dhagayso Warysigaas

 

Fu,aad Karaama Jaama

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM