afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:11 am | Posted by

ODAYAASHA DHAQANKA BEELAHA CABDI GARAAD (QAYAAD) OO DHALIILAY SIYAASADA MAAMULKA KILLINKA SHANAAD EE ITOOBIYA.

Qoraal eedeyn ah oo kasoo baxay Hoggaanka dhaqanka Beelaha Cabdi Garaad (Qayaad) ee dega Itoobiya ayaa lagu sheegay inaysan beeshaasi la dhacsaneyn qaabka maamulka Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyagoona ku eedeeyey inuu maamulkaasi ka dheeliyey cadaaladii dadka wada degan dhulkaasi ballaaran.

Caaqil Siciid Aw Xirsi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Qayaad oo isaga oo ku sugan magaalada Domco la hadlayey Shabakada Warbaahinta Somaliadiga.com u sheegay inuu maamulka Madaxweyne Maxamed Abdi Cumar inuu yahay mid u janjeera dhinaca cadaalad-darada islamarkaana aan wax qabadka dowladiisa soo gaarsiin dhulka ay ku nool yihiin beelaha kale ee degan gobolkaasi.

“Waxaan la aqbali karin in la sheegto madaxweyne dhulka Soomaalida ee Itoobiya,haddana lagu koobnaado deegaanka qabiilka madaxweynaha uu ka dhashay ee Ogaden, Marka aan sidaasi leenahay waxaa iska cadahay in mashaariicda, Biyaha,Caafimadka,ammaanka,dhismaha waddooyinka iyo kordhinta degmooyinka cusub ay yihiin kuwa aan soo dhaafin badi deeganaka uukasoo jeedo Madaxweyne Ina Ileey” Ayuu yiri Caaqil Siciid Aw Xirsi oo kamid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Qayaad.

Gobolka Wardheer oo ka mid ah gobollada ugu waa weyn dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa inta badan la soo gaarsiin howlaha horumarinta oo ay wado Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Abdi Maxamed Cumar,waana mida keentay inuu soo baxo eedeynta ka timid Beelaha Qayaad oo ka mid ah kuwa degan gobolkaasi.

Deegaanada Domco,Dharkayn, Dameer Cad, Saaxmaygaag, Turga sangas,Gumburka iyo Ceel Dahab oo ka mid ah Gobolka Wardheer oo ay degaan beelaha Cabdi Garaad (Qayaad) waxaa aysan helin xuquuqda ay Dowlada Killinka Shanaad ku leeyihiin, Waxaana aytaasi keentaa inuu guud ahaan gobolka Wardheer ka danbeeyo goboladda kale ee Dowlada Soomaalida Itoobiya.

Sida lagu arko wararka TV-yadda Soomaalida laga soo daayo ee ku saabsan dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa u badan barnaamijyo laga hirgeliyo Jigjiga,Dhagaxbuur,Godeey meelo kale oo u badan hal qabiil. Waa sida ay hadalka u dhigeen Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Cabdi Garaad (Qayaad)
ee degan Itoobiya.

Dhinaca kale wefti ka socda deegaankan ayaa waxay ku sugan yihiin magaalo madaxda Ismaamulka Somaliyda Itoobiya ee Jigjiga waxayna ka qayb galeen aaskii iyo baroor diiqdii Raysal wasaarihii Itoobiya Meles Zanawi,Weftida ayaa waxay ka kulmeen Golayaasha wasiirada waxan lagu wadaa in ay madaxweynaha la kulmi doonaan Aaska kadib halkaasi oo lagu lafa guri doono arimo quseeya deegaankaas.

Yasin Maxamed Axmed

Docmo/Sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM