Shariif Xasan oo weli il adeegiisa damacsan inuu ka mid noqdo musharaxiinta u taagan xilka madaxweyna xilli la filaayay inuu tanaasulo.
Iyadoo 10 bishaan la filaayo in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadana Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doontii ay la liicday ayaa weli damacsan inuu ka mid noqdo musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa jira rag Shariif Xasan kula talinaaya in uusan ka tanaasulin xilka madaxweynaha islamarkaana u sheegaaya inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan Muqdisho ka dhici doonta.
Waxaa labadaan maalin gudaheeda la sugaayay in Shariif Xasan uu ku dhawaaqo inuu ka tanaasulay ka qeyb galka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana uu markaan kaliya ka mid yahay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa jira warar hoose oo sheegaaya in dowladda Kenya ay aad ugu cadaadineyso Shariif Xasan inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, hase ahaatee arintaasi ayaa u muuqata mid marnaba aan socon kareen.
Si kastaba ha ahaatee Shariif Xasan Sheekh Aadan oo siyaasadiisa ay tahay nin ay aad ukulashahay islamarkaana si aad ah wax uged gediyay ayaa si lama filaan ah waxaa ula rogmatay Doontii yareed ee uu wax ku qasi jiray
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/somalia
Afbakaylenews@gmail.com