afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:33 pm | Posted by

Sheekh Shariif: Waxaan Ogaaday In Maxkamadihii Islaamiga Ay Dalka Burburinayeen, Dadkiina Way Neceen

Wargeyska caanka ah ee dalka Talyaaniga ka soo baxa Ilgiornale ayaa maanta daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha dawlada waqtigeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed kasasoo uu kaga hadlay arimo kala duwan.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inuu hadda ogaaday in berigii uu golihii Maxkamadaha Islaamiga madaxda u ahaa ay burbur u horseedeen dalka, dadka Soomaaliyeedna ay neceen, sida uu hadalka u dhigay.

“Khaladaadka horey u dhacay waxaa ka mid ah kuwa u tilmaamay Sheekh Shariif, sida in golihii Maxkamada ee uu hogaamin jiray ay tababari jireen kooxo mintidiin ah oo dalka qabsaday intii u dhexeysay June illaa Disembar 2006? ayuu sheegay wargeyska.

Sheekh Shariif wuxuu wargeyska u sheegay in uusan isaga ka bixin diinta laakiin uu rumeysan yahay in LAKALA SOOCO diinta iyo dawlada.
“Diinta maan beenayn, waxaanse ogaaday in loo baahan yahay in diinta iyo dowladda la kala saaro.”

“Dawlad wanaagsan, hadda waan garan karaa, waa tan ka soo baxda rajada dadweynaha [waxa ay rabaan]“.

Intii uu wareysigan socday wuxuu Sheekh Shariif sheegay inuu yahay musharax u tartamaya jagada madaxweynaha mar labaad, isagoo ka sheekeeyay marxalada kalaguurka iyo halka ay hadda mareyso.

“Oraah Talyaani ayaa waxay dhaheysaa ninkii si qunyar ah u socda ayaa ku guuleysta tartanka, hadda waxaan dooranay gudoomiyaha baarlamaanka. Isii maalmo yar aniguna waan xaqiijin doonaa [jagada]. Waxaan sugayaa inaan ku laabto xafiiska madaxtinimada ee Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Halkan akhri Warbxinta Oo Talyaani ah

http://www.ilgiornale.it/news/esteri/ora-somalia-sta-ripartendo-e-litalia-si-lascia-tagliare-833698.html 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM