afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:09 pm | Posted by

Top News:- Banaan Bax Lagaga Soo Horjeeday Mas’uuliyiin Uu Maamulka Somaliland U Soo Magacaabay Gobolka Cayn Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle (Daawo+Sawiro)

Banaan Baxan oo lagaga soo horjeeday mas’uuliyiin uu Maamulka Somaliland uu u soo magacaabay Gobolka Cayn ayaa galabta ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Banaan baxani oo ahaa mid balaadhan ayaa waxa kasoo qayb galay Waxgarad, Aqoonyahano, Culuma Awdiin, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween, Ururada Bulshada, Iyo waliba Bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoona dhamaantood kusoo bandhigay shucuurtooda dareen iyo sida ay uga xun yihiin magacaabista xubnahaasi waxa ayna sheegeen in uu Gobolka Cayn iyo Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Caynba ay ka madax banaan yihiin Maamulka Somaliland isla markaasna uu ku fashilmay Maamulka Somaliland isku day kasta oo uu kusoo gali karo Magaalada Buuhoodle uuna haatan isticmaalayo dad aan talamin Deegaanka Buuhoodle oo diciif ku ah siyaasada Soomaaliya iyo tan Deegaanada Khaatumo State.

Sidoo kale dad weynahani banaan baxayey ayaa socod dheer kusoo maray qaybaha kala duwan ee Magaalada Buuhoodle, iyagoona ku dhawaaqayey halku dhigyo lidi ku ah Mas’uuliyiintaasi kuwaas oo ay kamid ahaayeen Buuhoodle iib maaha, Horgal waa hoog iyo hunri, iyo erayo kale oo badan. Dadkani banaan baxayey ayaa ugu dambeyntii isugu soo shubtay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Buuhoodle halkaas oo ay Mas’uuliyiin magac iyo maamuus ku dhex leh bulsha weynta Gobolka Cayn ay hadalo kala duwan kasoo jeedyeen waxa ayna ku cadeeyeen dareenkooda shucuur ahaaneed in aysan marna raali ka ahayn in Deegaanka Buuhoodle ama Deegaanada Khaatumo uu ka arimiyo Maamulka Somaliland isla markaasna ay dadweynaha iyo Maamulka Khaatumaba ay iska kaashadaan sidii looga sifayn lahaa dadkaasi Deegaanka oo dhan.

Isku soo wada duuboo banaan baxani ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan waxaana laga yaabaa in maalmaha soo socad ay ka dhacaan guud ahaanba Deegaano ka tirsan Gobolka Cayn iyo Magaalada Buuhoodleba banaan baxyo noocan kuwaas oo dad weynuhu ay ku cambaarayn doonaan  Maamulka Somaliland iyo Mas’uuliyiinta uu soo magacaabayba.

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

Wariye Abdirahman Wadani

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Top News:- Banaan Bax Lagaga Soo Horjeeday Mas’uuliyiin Uu Maamulka Somaliland U Soo Magacaabay Gobolka Cayn Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle (Daawo+Sawiro)”

  1. aniga
    September 7, 2012 - 1:35 pm

    WAABA DHUL MA HANTE , HALKEY DHULKA KU YESHEEN MAGACOODA AYAABAY KA CADAHAYN INAANAY DHULKA SOMALIYEED MEELNABA KU LAHAYNE , DHULKA SOMALILAND YAANAY KU QOOQIN HADII KALE WAXay yihiin baa la tusi walee

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM