afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:10 pm | Posted by

Deg Deg ah: Waqtigii Qabashada Araajida Doorashada oo Dhamaaday & Musharaxiin Waqtiga ku dhacay.

Waxaa Goor dhaweeyd dhamaday Waqtiga Qabashada Araajida Musharaxiinta u taagan Xilka
Madaxweeynaha Somalia oo maalmahaan ku mashquulsanaa Buuxinta Shuruudaha Qabashada Araajida ee Guddiga Doorashada ay ku xireeyn.

Musharaxiin Maanta buux dhaashay Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood buuxiyay Shuruudihii laga doonayay ayagoo qaar ka mid ahna uu ku dhacay waqtiga waxaana haatan la soo sheegayaa in uu dhamaadayWaqtigaa Qabashada Araajida ee ku ekaa Maanta Xiliga Saacada Magaalada Muqdisho 5:00 PM ama Shanta Galabnimo.

Dhanka kale Shabakada Afbakayle.com ayaa Ogaatay in maanta Musharaxiin Qiyaas ahaan lagu sheegay 20 Musharax in ay Buuxiyeen Shuruudihii laga doonayay balse qaar ka mid ah ayaa ku dhacay waqtiga oo waxaa la joojiyay qabashada Araajida.

Goor dhaweeyn Waxaa Xarunta Golaha Shacabka soo gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prfoff Mohamed Sheekh Osmaan ”Jawaari” oo soo kormeerayay sida ay ku socoto Shaqada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sugayaa Shirka Jaraa’id ee Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxweynaha si ay u sheegaan inta Musharax ee soo buuxiyay Shuruudihii loogu tala galay Qabashada Araajida

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM