afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:54 am | Posted by

War Dag Dag Ah:-Radio Andulus Oo Ku Hadli Jiray Afka Al-Shabaab Oo ay Gacanta Ku Dhigeen Ciidamada Dowlada

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku garabsanaya Dagaala Kadhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Xaruntii iyo Qalabkii Idaacadii Afka Shabaabka kuhadleysay ee Al-anduluus

Ciidamada oo ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa aay habeenkii xalay gacanta ku dhigeyn xaruntii idaacad Al-shabaab ee kutaalay magaaladasi.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Axmed Macalin C/raxmaan Cukaash oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qalabka Idaacada oo ka koobnaa FM, makrafoonno iyo Sameecado ay ku qabteen 3 Qof oo meesha ka shaqeyneysay.
Gudoomiyaha Waxaa uu kaloo Sheegay in aay 3-Ruux ee lagu qabtay aay yihiin rag iyo dumar haatana aay kujiran xabsiga magaalada.

Gaashaanle sare Ismaaciil Axmed Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in ey Qabteen gaari ey ku dhex arkeen Qalabka Idaacada iyo Walxaha Qarxa.

Hadalkiisa ayuu intaa wuxuu raaciyay in gaariga ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada Nabadsugida dowladda.

Xafiiska Shabakada Afbakayle..com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM