WAR DEG DEG AH:- Gantaal meel uu ka yimid ilaa iyo haatan la garan oo ku dhacay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Duleedka Wanlaweyn.
Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in saldhig ciidamada Alshabaab ku lahaayeen duleedka degmada Wanlaweyn ee gobalkaasi uu kusoo dhacay Gantaal aan la garan ilaa hadda meesha laga soo tuuray iyo cidda soo tuurtay.
Goobjooge magaciisa kusoo gaabiyay Gaceyte oo ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa u sheegay Warbaahinta Afbakayle in mar qura ay maqleen jug xoogan islamarkaana ay arkeen Uuro madoow oo ka baxaysa saldhiga Al-shabaab.
“Waxaan maqalnay mar qura walaal jug xoogan oo sida dhul gariirkii ah, ka dibna waxaan aragnay Uuro Madoow oo ka baxeysa saldhiga Al-shabaab ee duleedka degmada uga leeyihiin, waana tagi weynay oo ciidan ayaa jooga: Gaceyte ayaa sidaasi yiri.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee warar aynu si hoose u helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhigteen saraakiil culus oo ka mid ah Al-shabaab kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com Muqdisho.
Afbakaylenews@gmail.com