WAR DEG DEG AH:- Xarakada Al-shabaab oo haatan magaalada Kismaayo kusoo bandhigaaya hub badan iyo gaadiid ay sheegeen in Kenya iyo dowladda Soomaaliya ay ka qabsadeen.
Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay
sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay magaaladaasi kusoo bandhigaayaan hub aad u badan iyo sidoo kale gaadiid ay sheegeen inay kasoo qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Qof ku sugan magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay goor dhaw in fagaare ku yaala magaaladaasi la keenay Laba gaari oo nooca dagaalka ah misane kala ah Cabdi Bile iyo gari loo yaqaano Jeemis, waxaana sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigaayaa rasaas iyo qoryo aad u badan.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa dadka u sheegaaya in hubkaasi iyo gaadiidkaan ay kasoo qabsadeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobalada Jubooyinka islamarkaana ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa gobalada Jubooyinka waxaa ka soconaayay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah, iyadoona horay Al-shabaab ay Kismaayo ugu soo bandhigeen Meyday ay sheegeen inay ahaayeen kenyaati iyo Soomaali.