XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA CUSUB EE KAARAKII AQOONSIGA LAGA BEDELAY(WAA MAXAY SABABTU)
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gabi ahaan laga badlay kaararkii hore ee aqoonsiga Xildhibaanimo ee horey loogu sameeyay kadib markii Baarlamaanka ay kusoo bateen Xubno la isku heesto dhamaana kaarar isku mid ah wada .
Kaararka Xildhibaanada markii hore loo qeybiyay ayaa midabkiisu ahaa Gaduud hasa ahatee kaasi waa la badalay waxaana hada lagu badalay Kaarar kale oo midabkoodu yahay Buluug si loogu kala saaro Xildhibaanada.
Kaar badalkan Cusub waxaa ka dambeeyay Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka kuwaa oo ugu tala galay in lagu kala saaro Xildhibaanada rasmiga ah ee Baarlamaanka kujira ee la dhaareiyay iyo xubnaha kale aan wali la dhaarin oo kursigooda muran ka taagan yahay
Waxaa horey kaararka halka midab ah u heestay Xildhibaanada la dhaariyay ee shaqadooda wata iyo xubno kale aan la dhaarin oo Baarlamaanka siyaabo kala duwan kusoo galay sida Hogaamiyaashii kooxaha oo Maxmkada u go’aamisay in ay Baarlamaanka kamid noqdaan iyo xubno kale ay Wataan Gudiga Farsadada oo iyagana kaarar lasoo siiyay.
Waxaa hada adkaaneysa in Fadhiyada Baarlamaanka soo fadhiistaan xubnaha aan heesan kaararka Saxda ah ee midibkiisu yahay Buluuga ,waxaana loo xilsaaray Gudi Baarlamaani ah xalinta Qilaafaadka Xubnaha Baarlamaanka ee la isku heesto ku hoolan xubno dhoor xubnood ah uu Gudoonka Baarlamaanka u saaray soo dhameynta muranka iyo is qab qabsiga.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com