Eng Maxamed Axmed Saalax : Khudbada Aan Baarlamaanka U Jeedin Doono Doorashada Ka Hor Ayaan Ku Magacaabaya Raysalwasaaraha Xukumadayda?
Eng Maxamed Axmed Saalax : Khudbada Aan Baarlamaanka U Jeedin Doono
Doorashada Ka Hor Ayaan Ku Magacaabaya Raysalwasaaraha Xukumadayda
Musharaxa eng maxamed axmed saalax oo maanta buuxiyey shuruudihii
gudiga doorashada baarlamaanka somalia ayaa xili uu shir jaraa,id ku
qabtay magaalada muqdisho shaaca ka qaaday inuu khudbadiisa uu labada
maalmood ee fooda inagu soo haya ka hor jeedin doono baarlamaanka
somalia uu magacaabi doono raysalwasaaraha xukuumadiisa hadii uu ku
guulaysto jagada hogaanka dalka somalia
Eng maxamed axmed saalax ayaa daboolka ka qaaday in had jeer ay
xaaladaha murugsan ee ka dhex yimaada masuuliyiinta dalka ugu sareeya
sida raysalwasaaraha iyo madaxweynaha ay ay sabab u tahay hadaf
la,aanta iyo is faham la,aan ka dhex timaada labada masuul
islamarkaana uu saheegay inuu isagu ka duwan yahay arintaasi isagoo
carabka ku adkeyey inuu la imaan doono raysalwasaare ay isku hadaf iyo
ujeedo yihiin
sidoo kale musharaxa ayaa carabaabay inuu baarlamaanka somalia ka
codsanayo inaysan tartan ku jirin balse ay tahay bad baado qaran
loogana baahan yahay baarlamaanka somalia inay doortaan dad dadkood
iyo dalkooda wax u qaban kara islamarkaana badbaadin kara qarankii
lumay .
si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysan oo musharax u taagan
xilka madaxtinimada dalka somalia uu sheego inuu khudbada doorashada
ka hor uu ku sheegi doono raysalwasaaraha xukuumada uu damacsan yahay
inuu doorto hadii uu guulaysto
