afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:23 pm | Posted by

Shariif Sakiin iyo Shariif Xasan oo Xalay Madaxtooyada Ku Kulmay

Kadib markii maalintii shalay Magaalada Muqdisho uu dib ugu laabtay Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safar gaaban ku tagay Dalka Isu taga Imaaradka carabta ayaa waxaa uu xalay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday.
Kulanka labada Shariif oo ahaa mid al baabada u xirnaa ayaa waxaa uu qaatay mudo dhowr sacadood ah,waxaana adag si dhab ah loo ogaado wax yaabaha kulankooda ay iskula soo hadal qaadeen,maalmihii u danbeeyayna labada Shariif xariirkooda ma wanaagsaneyn.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markuu tagay Isu taga Imaaraadka Carabta waxaa uu lasoo kulmay Siyaasiyiin iyo Wakiilo ka kala nsocday qaar ka mid ah wadamada carabta,waxana Shariifka lagala hadlay khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif xasan laga codsaday inuu doorashada Madaxtinimda ee dhowaan dhaceysa uu gacan ku siiyo Madaxweyne Sheekh Shariif si uu ugu guuleysto doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Hase ahaatee kulanka labada Shariif oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa aan la ogeyn karin waxaa uu kusoo dhamaaday kulankooda,laakiin wararbaa sheegaya iney ka wada hadleen arinta doorashada Madaxweynaha cusub sidii mar kale Sheekh Shariif ugu guuleysan lahaa.

Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soc daalkii uu ku tagay Isu taga Imaaradka la socday Laba xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Mustaf Dhuxulay oo inta badan ah saaxiibo aad isugu dhow.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM