WAR DEG DEG AH:- Khudabaha musharaxiinta oo socda iyo musharaxiin hadalo aan caadi ahayn jeediyay.
Musuliyiin utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya qaarkood, iyadoona ilaa seddax musharax ay hadleen, halka
hadalka uu haatan wato Musharax C/laahi Axmed Cadoow.
Waxaa hadalay musharaxiinta kala ah. Prof, Axmed Ismaaciil Samatar, Xuseen Khaliif iyo Maxamed Axmed,iyagoona ka wada hadlay arimo aad u badan oo ku saabsan xaaladda wadanka Soomaaliya iyo musharax walba qorshihiisa, waxaana haatan khudbad dhiancyo badan taabaneysa C/laahi Axmed Cadoow.
Musharaxa Cadoow ayaa ugu horeen xildhibaanada ka dalbaday in aan wax sacab ah loo sameen isaga oo
isku dayaaya inuu waqtigiisa ka faa’ideesto, waxaana uu sheegayaa in dalka is bedal uu ka sameen doono. “Waxaan sameen doonaa xukuumad dalka maamusha oo shacabkana aan boobin, wasiirada waxaa lagu soo xuli doonaa 5 beel, ma jiri doonto wax la dhaho 4.5, aqoonta ayaan hormarin doonaa, mida ma yeeli doono in dalka fara gelin lagu sameeyo” C/laahi Axmed Cadoow ayaa sidaasi yiri.
Sidoo kale waxaa la filaayaa in ay khudbeeyaan xubno kale oo uu ka mid yahay madaxweyneShariif, waxaana soo dhaw xilliga salaada maqrib,iyadoona ilaa caawa shaqadaan ay socon doonto.