afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:31 pm | Posted by

WAR SIR AH:- Rag culus oo ka mid ah Al-shabaab oo bilaabay inay ku cararaan buurta Gal-gala ee gobalka Bari.

Wararka laga helaayo buurta Gal-gala ee gobalka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag culus oo ka mid ah Xarakada Al-shabaab ay bilaabeen inay ku cararaan halkaasi, ka dib markii deegaano badan oo ay ku sugnaayeen weeraro culus lagu qaaday.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ku dhawaad 20 ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo badi aanay helin magacyadooda ay maalmahaan dambe si isdaba joog ah ay u galaayeen buurta Gal-gala oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ka mid ah Xarakada Alshabaab.

Saraakiisha halkaasi gaartay ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo isaga si caadi ah mar walba deegaankaasi u taga, waxaana sidoo kale halkaasi jooga rag dhanka tababarada Alshabaab u qaabilsan.

Deegaanka Gal-gala ayaa waxaa ku hareersan ciidamada Puntland oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab, waxaana ciidankaan ay yihiin kuwo habeen iyo maalin feejignaan ku jira, hase ahaatee waxaa la yaab ah sida ay saraakiisha Al-shabaab ay buurtaasi ku galaan iyaga oo bad qaba misane ay uga soo baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in deegaanada Puntland ay la wareegi doonaan, islamarkaana ay meesha ka saari doonaan wax ay ku sheegeen Ash-haado la dirir.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM