WAR CULUS:- Madaxweyne Shariif oo wadnaha farta ku haaya iyo Ololohiisa doorashada oo qarash abdan kasii galaaya.
Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa markaan waxaa la sheegayaa inuu soo wajahay qal qal iyo cabsi siyaasadeed iyadoona uu wadnaha farta ku haayo kana baqaaya in laga guuleesto doorashada maadaama ay aad u timid xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa la sheegayaa in markaan sidoo kale uu aad usii xoojiyay Ololihiisa taageerada Soomaaliya waxaana ka baxaaya lacag aad u badan oo aan maskaxda gali kareen sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah saaxiibadiisa.
Sheekh Shariif ayaa ololahaan doorashada waxaa uga baxay in kabadan 10 milyan oo doolarka Mareekanka, waxaana la filaa sidoo kale in ay k baxdo qarash aan intaasi ka yaraan doonin maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka baqaaya ugu horeen taageerada xoogan ee Farmaajo uu helaayo iyo khudbadii xasaasiga ahayd ee uu ka jeediyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Waxaa la maraayaa maalintii ugu dambeesay ee Ololaha doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filaayaa in maalinta beri ah ay dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay dooran doonaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.