Deg Deg Ah Cabdi Wali Gaas oo Shaaca ka qaaday in uu Tanaasulay Codkiisana si hoose u siiyay Mid kamid ah Musharixiinta
War Deg Deg Ah Cabdi Wali Gaas oo Shaaca ka qaaday in uu Tanaasulay Codkiisana si hoose u siiyay Mid kamid ah Musharixiinta
Waxaa goordhaw Khudbad Xasaasi ah oo kooban jeediyay Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo Shaaca ka qaaday in uu Tanaasulay uuna ka haray Wareega Labaad ee Doorashada Madxweyne.
Mr Gaas waxa uu sheegay in uu aad uga mahad celinayo Xildhibaanadii u codeeyay iyo kuwii Codka siiyay isagoona xusay in Doorsahada ay u dhacady si Sax.
C/Wali Gaas ayaan Codadkii taageersanaa ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud sida aan horeyba usoo tabinay isagoona hada u ololeenaya Xasan Sheekh Maxamuud si meesha looga Saaro Sheekh Shariif.
Cabdi Wali Gaas ayaana Baarlamaanka ugu baaqay in Isbadalka u hiilayana ayna doortana Hogaamiye Cusub oo dalka Hogaamin kara isagoona kala jeeday Xasan Sheekh Maxmuud.