afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:32 pm | Posted by

Taariikhda Nololaydka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud (Taariikhdiisa oo Kooban)

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo Midda Dugsiga Hoose Dhaxe ee wax barasho.

Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday Magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978 Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981.
Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.

Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay Machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi.

Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali Carabi iyo English.
Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

Ugu Danbayntii Doorashada Madaxwayne Xasan Shiikh waxay soo afjareysaa xukunkii LABADA SHARIIF ee mudada afarta sano ka jiray Muqdisho waxaana ay tan horseedeysaa dawlad cusub oo aan ahayn ku meelgaar oo Soomaaliya ka bilaabaneysa.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM