afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:27 am | Posted by

Topnews:-Diyaarado Helicopter ah oo maanta ilaalin doona halka ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa maanta la filaayaa in diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay ilaaliyaan halka ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maanta si aad ah loo wada sugaayo, iyadoona diyaaradahaasi ay ahaan doonaan kuwo ilaa caawa shaqeeya.

In ka badan 5-diyaarad oo nooca Helicopterka loo yaqaano ayaa waxaa la filaayaa in amaan sugida doorashada ay maanta si toos ah uga qeyb qaataan,waxaana diyaaradahaa diyaariyay Midowga Afrika oo horay Qaramada Midoobay uga dalbaday.

 

Shaqada ay diyaaradahaan qabaanaayaan ayaa waxaa ka mid ah inay isku bed bedalaan kor meerka halka doorashada ay ka socoto iyo nawaaxigeeda si aan wax qal qal ah u gelin amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan magaalada Muqdisho waxa uu aad jawi ahaan uga bedalanyahay jawiyadii hore ee magaalada looga bartay, iyadoona maanta ay tahay maalin aad iyo aad ugu weyn shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee saacadaha soo aadan waxaa magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaaban doonta doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maanta tartanka ka qeyb gali doona in ka bada 20 musharax madaxweyne.

Kala Soco Afbakayle.com Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM