War Deg Deg Ah Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in Baarlamanaka kusoo biiraan Hogaamiyaashii Kooxaha
Waxaa goordhaw Cod loo qaaday in Hogaamiyaashii Kooxaha Soomaaliya iyo xubnihii kale ee Baarlamaanka loo diiday hasa ahaatee Maxkamada sare u ogolaatay in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamanaka Prof Jawaari ayaana Xildhibaana ka codsaday in Xubnahaasi cod gacan taag ah ku aqbalaan ama ku diidaan in Baarlamaanka kamid noqdaan iyo in laga diido Xubnihii horey loogu diiday.
Waxaana ogolaatay in Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Xubnihii kale in Baarlamanaka kamid Noqdaan Xildhibaano gaaraya 98 .waxaa sidoo kale diiday Xildhibaano gaaraya 85 .waxaa kale oo ka aamustay arintaasi gaarayaan 9.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaana ku dhawaaqay in la dhaarin Doono Xubnahaasi horey loo diiday marka Xildhibaanada ay fadhiga dib ugu soo laabtaan ,iyadoona la rajeenayo in Goordhaw la dhaariyo Xubnahaasi oo gaaraya ilaa 20-Xubnood.