War Deg Deg Ah Codeynta Doorashada Madaxweynaha oo Qeybtii hore soo dhamaatay iyo Tirinta Codadka oo hada bilaabanaysa
Waxaa hada soo dhamaatay Qeybtii 1-aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo xiligan kasocota Xarunta Iskoolo Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho,waxaan u taagan Doorashada 22- Musharax oo nin waliba doonayo in uu ku guuleesto Codadka.
Xildhibaanadii dhiibtay Codeynta Qeybta 1 –aad ayaa hada soo dhamaaday waxana goordhaw bilaabanaya tirinta Codadka iyo sida ay u kala heleen Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.
Qeybta 1—aad ee Doorashada ayaa la filayaa in ay daaqada ka bixi doonaan Musharixiin gaaraya 18-Xildhibaan halka ay soo gudbi doonaan 4-ta Musharax ee ugu badan tirade Codadka ay dhiibtaan Xildhibaanada.
Wakiilada Musharixiinta ayaa hada loo yeeray kuwaa oo musharax walbo u qaban doono Tirada Codadka uu helo .