War Deg Deg Ah Codeynta Doorashada oo hada Soo dhamaatay iyo Tirinta oo la bilaabayo yaa hari Doono labada Musharax?
Waxaa hada soo dhamaaday Codeynta Doorashada ee loo qaadayo labada Musharax ee isku soo haray Sheekh Shariif Sheekh AXmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud kuwaa oo la filayo in Wareegaan ku kala bixi doonaan.
Labada Nin ayaa aad u wada naxsan lamana oga ninka ay guusha raaci doonto ,waxaana aad u adag in la saadaaliyo Codadka Baarlamaanka kahor inta aan la tiring .
Wareegii hore ee Doorashada ayaa labada Musharax waxa ay kala galeen kaalinta 1-aad iyo Labaad waxa ayna kala heleen Codad aad iskugu dhaw waxaana au dhaxeeyay kaliya ilaa 4-Cod uu sareeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Lama oga Codadka Musharixiinrii kale ee daaqada ka baxay cida heli doonto waxaana jira in labada nin ay Xulufo kala dhaxeeyo Musharixiintii laga guuleestay si ay uga helaan Codadka ay ku lahayaeen Baarlamaanka.
Goordhaw ayana bilaabatay tirinta Codadka waxaana hada loo yeerayaa Wakiilada labada Musharax si ay ugu kala qabtaan Codadka ay kala helaan Sheekh Shariif Sheekh AXmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud .
Waxaana Xusid mudan in labada Nin ay kasoo Wada jeedaan Hal beel oo ah Abgaal ah laakin Siyaasad ahaana ayey kala socdana Sheekh Sahriif iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxa ayna ku kala bixi doonaan mid Cod dheeri ninkii hal cod bata ayaan guuleesan doono.