afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:20 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Doorashadaii Madaxweynaha oo hada si Rasmi ah u bilaabatay iyo Codadkii ugu horeeyay oo Gudoonka dhiibtay

Waxaa hada si Rasmi ah u bilaabmay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoconeysa Hoolka Iskool Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ,waxa ayna Xildhibaanada hada dhiibanayaan Codadkooda.

Kahor inta aysan Bilaaban Codadka ayuu Gudoomiye Jawaari waxa uu foorariyay Sanduuqyada si loo cadeeyo in Sanduuqyada faaruq yihiin ,waxaan Qunful Sanduuqyadaasi ku qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka furihiisana horey usii qaatay .

Codadkii ugu horeeyay ee Doorashada waxaa dhiiban doono oo hada loo yeeray Gudoonka Sare ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo sidoo kale Xubnaha kale ee Gudiga Farsamada Doorashada si ay hooshooda usii wataan marka ay codkooda dhiibtaan .

Xildhibaanada hada Hoolka fadhiya ee Codadka dhiibanyaa ayaa ah 262 Xildhibaan kuwa aoo kala dooranaya 22-Musharax oo u taagan Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.

Doorashada ayaana ah mid xasaasi ah aan la saadaalin Karin cida ku guuleesanaysa waxaana wareega koowaad ee Doorashada ku hari doono 18-Musharax waxaana soo bixi 4-ta Musharax ee ugu codadka badan.

 

Halkan Riix Si,aad Toos Ugu Daawato Doorashada 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM