War Deg Deg Ah Sharci Cusub oo goordhaw la dul dhigay Musharixiinta u Taagan Doorashada Madaxweyne ee Somalia
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci cusub kusoo rogay Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya xiliga ay doonayaan in ay tanaasulaan.
War kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka uuna shaaciyay Afhayeenka Qaban qaabada Doorashada ayaa Musharixiinta uga digay marka ay damcaan in ay tanaasulaan in ay yiraahdaan waan tanaasulayay Codkaygiina waxaan ugu shubay Musharax hebel.
Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiga Qaban qaabada ayaana arintaasi Sharci daro ku tilmaamy waxa ayna Musharixiinta ka codsadeen marka ay tanaasulayaan in ay hadalkooda ku ekaado tanaasul kaliya.
Sharcigan ayaa ah mid ku cusub Doorashooyinka Soomaaliya dhawaan ayey aheed markii Baarlamaanka Dooranayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka ay qaar kamid ah Musharixiinta oo tanaasulayay sheegeen in Codkooda siiyeen mid kamid ah Musharixiintii la tartameysay.