afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:14 pm | Posted by

DAAWO:-Banaan Bax Lagu Soo dhawaynayo M/wayne Xasan Sh.oo Taleex ka dhacay iyo Madaxda Sare ee D.G/Khatumo oo ka Qayb Gashay

Dibad Bax balaadhan ayaa Saaka Hiirtii Waaberi ka Bilaabmay Magaalada Taleex ee Caasimadda Maamulka Khaatumo,Banaan Baxan ayaa ahaa mid lagu soo dhawaynayo looguna Hambalyaynayo Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Habeenimadii Xalay Baarlamaanka Cusub ee Sooaaliya Cod Qorsoodi ah ugu Doorteen Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

Banaan baxa Waxaa saaka ka qayb galay Golaha Madaxtooyadda Maamulka Khaatumo,Golaha Wasiiradda ee Khaatumo qaarkood iyo Sidoo kale Dadwayne aad u faro badan oo ay ka dhex muuqanayee Ciidamada Amaanka iyo Ardayda wax ka barata Dugsiyadda Kala Duwan ee Degmada Taleex.

 

 

 

Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac(indhe-sheel) oo Warbaahinta La hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa khaatumo ay so dhawaynayaan madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,shacabka Soomaaliyana Ugu Hambalyeeyey Ka bixitaanka Xiliguu Kumeel Gaadhka ahaa,sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu Hambalyo u diray Madaxwaynihii Hore ee DKMG somalia Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed,waxa uuna sheegay in dowladiisii KMG ay Guulo ka gaadhay Dhisitaanka Dowladan Cusub iyo Ka bixitaanka Ku meelgaadhka somalia,waxaa kale oo Md.Indho-sheel Sheegay in Shacabka Goboladda SSC ee Maamulka Khaatumo Ka arimiyo ay U taaganyihiin Midnimada Umada Somalia Wixii ka Danbeeyey Burburkiina ay ahaayeen kuwii ka shaqaynayey In aanay Somalia Kala Go’in.

 

 

 

Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Khaatumaba u diray Hambalyo iyo Bogaadin waxa uuna Sidoo kale Mr.Karaash u Hambalyeeyey Xildhibaanada Soomaaliyeed ee gartay in umadda Soomaaliyeed u baahantahay Wajiyyo Cusub oo siyaasadda Dalka Haga.

 

 Halkan Riix Si,aad udaawato Video-ga

Maxamed Cismaan C.nuur Xaashi

 

Taleeex

 

Laascaanood31@hotmail.com

 

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM