afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:49 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Qarax ay Dad badan ku dhamaadeen oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Xaalada oo ah Mid Cabsi Badan

Waxaa galabdhicii maanta abaaro 5-tii galabnimo iyo Qadar daqiiqado ah Qarax miino oo aad u xoogan kuna dhamaadeen dad fara badan uu ka dhacay xaafada Jiiro Garoob ee Degmada Yaqshiid.

Qaraxa ooo Ahaa Nuuca Miinada Dhulka lagu aaso ayaa la kacday gaari Caasi ah ay saarnaayeen dadweyne fara badan xili uu marayay halka loo Yaqaan Jiiro Garoob oo katirsan Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadfir.

Wariye goobta tagay oo la hadlay Shabakada Allbanaadir.com ayaa noo sheegay in Qaraxu ahaa mid aad u qasaaro badnaa guud ahaan bur buriyay gaariga Caasiga ah ay xiligaasi saarnaayeen dad ku dhaw 20-Qof oo rayid ah sidsoo kale ay ku dhinteen tiro dad ah oo xiligaasi marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Wariyaha waxa kaloo noo sheegay in Dhimashada uu arkay ay u dhaxeyso 6-qof ilaa 10-qof oo dhimatay iyo kuwa kale oo dhaawac halis ah oo jirkooda go’go’ay oo loola cararay isbitaalada.

Waxaa suurto gal ah in Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi uu intaasi kasii bato ,Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid Muxudiin Jurus oo goordhaw ka hadlay Qaraxa waxa uu sheegay in Qasaaro badan uu ka dhashay hasa ahaatee aysan heyn Qasaaraha Rasmiga ah ,waxa uuna intaa ku daray in Qaraxaasi ku dhamaadeen dad rayid ah aan waxbo galabsan.

Xaalada goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa aheed xaalaad murugo badan mid ay ka muuqato waxaan halkaasi yaalay meedad fara badan oo qaarkood jirkooda go go’een ,waxaa sidoo kale halkaasi ku basbeelay gaarigii ay saarnaayeen dadkaasi qaraxa ku dhamaaday.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM