afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:25 am | Posted by

Warculus:-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si aan la’arag ugu daadiyay C/weli Gaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si aan caadi ahayn waxa uu ugu daadiyay C/weli Maxamed Cali Gaas, xilli ay socotay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa ugu horeen si hoose waxa uu ugu sheegay in codadka xildhibaaada oo dhan ay siin doonaan Xasan Sheekh Maxamuud balse laga sugaayo oo kaliya uu u balan qaado in uu ka dhigi doono ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Laakiin Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay C/weli Gaas in warka uu sheegaayo aanay socon doonin islamarkaana guusha ay xag rabi ka qorantahay ra’iisul wasaarana uu ka dhigi doono cidii ay arintaasi kula muuqato.

C/weli Gaas oo weji gabax ka muuqday ayaa waxa uu isaga laabtay booskiisa waxaana si aan baryo ahayn xildhibaanadii isaga u codeeyay ay codka u siiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashadii xalay waxaa si aan la arag misane la maqal ugu fadeexoobay musharaxiin aad u badan iyadoona Xasan Sheekh Maxamuud qaab lama filaan ah misane dar dar ah uu doorashada kusoo galay.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM