XOG: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka fakaraya in uu Ra’iisul Wasaare u magaacaabo Farmaajo iyo Gaas midkood
Ilo Xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegeen in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ka fakaraayo in uu Ra’iisul Wasaare u doorto labo nin midkood.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa BAD WEYN haatan ay ku furantay kadib markii looga fadhiyo inuu Soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Warbaahinta ay il gaar ah ku eegeyso.
Qof la taliye u ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo inuu Ra’iiska Dowladda uu u magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo C/wali Gaas.
La taliyahan magaciisa diiday in la faafiyo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in Ra,iisul Wasaare uu u magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee Wali makala cadda arintaasi.
Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Farmaajo uu ka dhigto Ra’iisul Wasaare, si uu u helo Taageerida Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Inta badan Shacabka ay taageeraan Farmaajo.
Xog kale ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu balan qaad u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Dr C/wali Gaas oo Codad badan ugu shubay doorashadii dhacday.
Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in Ra’iisul Wasaare uu u soo magacaabo Aqoonyahan qurbo joog ah oo saaxiibo dhow ay isla yihiin.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
c/weli codadkiisa wuxuu ugu shubey goor uu madaxweyne xasan sheekh haystey 150 cod ka badan ayuu gaas ugu shubey hase ahaate isaga iyo gaas wax ay ku heshiyeen ma jirin doorashada ka hor wuxuu un ugu shubey codadka si un uu sheekh shariif uga takahluso,,, hadduu horey ula geli lahaa ballan wa bey noqon lahayd laakin hadda c/weli khasab bey ku noqotey in uu siiyo codadkiisa..
farmaajo iyo cali khaliif galeydh ballan bey wada galeen xasan sheekh oo malin ka hor doorashada ku heshiiyeen in ay soo saaraan dr xasan sheekh,,, ogaada cali khaliif baa wareega hore u keeney 35 cod xasan sheekh…sidaasu ku yimid kaalinka labaad.
cabdi cali gaas waxuu u qabtey dalka mudadii uu shaqeynayey wax yaalo badan oolataban karo waxuuna lakulmay labo habeen kahor madaxweynaha intan doorashdu dhicin waa aqoon yahan aan xaqdad cunin dhib dadkashaqeyn guul iyo tabaalo fiican oolataban kare nadalka kasameyey hase ahate cali kahaliif anigoo wax xumata ah kasheegeyn walal wey qoran tahay waxuu dalka kasameeyey waliba iyadoo dalkeenu waqtigan nabad aha wa tuug xatooyo xoolo dadweyne kumaqan tahay wadankuna uma bahna waqtigan isagoo kale
farmaajo waa nin afiican lakiin aqoonta iyo macamiltanka siyasda dibada aya kuyar