Banaan Bax Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle,{Daawo Sawiro}.
Banaan bax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka dhacay Magaalada Buuhoodle, iyadoona banana baxaasi ay kasoo qayb galeen Madax ka tirsan Maamulka Khaatumo State, Waxgarad, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Dhalinyaro, Haween, Urarada Bulshada, iyo Waliba Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Banaan baxan oo ahaa mid balaadhan isla mar ahaan taana ay hadalo kala duwan kasoo jeediyeen madaxdii iyo mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay ayaa waxa ugu horeynba ka hadlay Caaqil Maxamuud Nuux (Sanweyne) oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne cusub dalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona kula dar daarmay caaqilku in ay la shaqeeyaan madaxda kale xilka sugaya madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay madax aad u tira badan oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo State Of Somalia Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, iyagoona dhamaantood si aada usoo dhoweeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay hogaanka dalka soomaaliya.
Hadaba intii uu socday banana baxani ayaa waxaa lagu soo bandhigay sugaanta kala duwan ee gayiga soomaaliyeed uu caanka ku yahay.
Isku soo wada duuboo banana baxani ayaa kusoo dhamaaday jawigan isagoona banana baxani uu kamid yahay banana baxyo badan oo dalka ka soco kuwaas oo lagu taageerayo hogaanka cusub ee dalka soomaaliya mudan Xasan Sheekh Maxamuud.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Abdirahman Jama (Abdirahman Wadani)
Email axmedyare1001@hotmail.com













