afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:08 pm | Posted by

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Weeraro Ismiidaamin Ah oo Goordhow Ka Dhacay Hotelka uu Degan Yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (Wararkii ugu Dambeeyay)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo goor dhaweyd lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu dagan yahay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
Qaraxyada ayaa la sheegay inay ahaayeen niman waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo weerarka ismiidaaminta ah ku qaaday guriga uu dagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa geeriyootay oo ay ku jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda iyo dad shacab ah intaba.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xiliga qaraxa uu dhacayay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qabanaye Shir saxaafadeed ku aadan kulamo uu la qaatay masuuliyiin kala duwan.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in marka qaraxa uu dhacayay hoteelka ay ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan oo ka socda Beesha caalamka.

Nimanka labada ah ee qaraxyada isku soo xiray ayaa mid kamid ah wuxuu ku qarxay Hoteelka hortiisa halka midka kalena uu ku qarxay meel aan sidaas uga fogeeyn albaabka.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waxa ay fureen rasaas kala duwan taasi oo la sheegay in iyana ay ka dhalatay khasaaro.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM