Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo deg deg loogala soo soo cararay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galab gaabadkii maanta
waxaa lagala soo cararay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ka dib markii amaankiisa uu qal qal galay.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa madaxweynaha deg deg ku keenay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo balanta ay ahayd in maalinta Axada uu tago.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray wadada isku xirta Garoonka Aadan Cade ilaa madaxtooyada markii ay madaxweynaha soo wadaayeen, waxaana
ciidanka ay rasaas culus ku ridaayeen dhamaan dadka shacabka ah ee halkaasi isticmaalaaya.
Dhanka kale qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa caawa waxay tahay bandoow, iyadoona la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi, si aanay dhibnaato u dhicin.
Maanta ayaa Laba qof waxa ay isku miidaamiyeen Hotelka Jaziira oo uu deganaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana taa ay keentay in madaxweynaha lagala soo cararo halkaasi.