XOG CULUS:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muxuu ka aaminsanyahay Xarakada Al-shabaab maxaase uga qorsheesan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana uga qorsheesan arimo aan caadi ahayn.
Madaxweynaha ayaa ugu horeen Al-shabaab u kala qeybiyay 3 waxaana mid walba uu ka bixiyay micno guud iyo waliba qorshaha uga degan, iyadoona lagafilaayo qorshayaalkaasi inuu ku fuliyo.
Ugu horeen waxa uu sheegay qeybta 1-aad inay tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee madaxa laga xaday misane dhiigooda lagu bixiyo dagaalada kala duwan ee loo adeegsado, waxaana uu sheegay in qorshihiisa taa ku aadan ay tahay in wada hadal ay lagalaan oo dhanka dowladda ay usoo wareejiyeen.
Qeybta 2-aad ayaa ah saraakiisha Al-shabaab ee Soomaalida ah misane caalamka ka tiimbareesan, waxaan uu tilmaamay kuwaa hadii ay qabtaan ay maxkamad soo taagi doonaan misane aan si naba lagu cafin doonin.
Qeybta sedaxaad oo uu sheegay inay yihiin ajaaniibta waxaan uu sheegay in kuwaasi Laba jid oo kaliya ay u furantahay, in la dilo ama in dalka ay isaga baxaan, isagoona sheegay in Soomaaliya wax walba oo dhibaaya inuusan u dul qaadan doonin.