afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:43 pm | Posted by

DAAWO+SAWIRO:-heekh Shariif oo Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Gudoonsiiyay Hadiyo ay kujiraan seef iyo Saacad Dahab ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa uu kusoo wareejiyay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif ayaan Madaxweynaha Cusub oo dhawaan la filayo in uu la wareego Xafiiska Madaxtooyada kadib Caleema saarka ayaa maanta kusoo wareejiyay Qeybaha kala duwan ee ,Madaxtooyada sida Xafiisyada lagu shaqeeyo.

Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxmuud ayaa hadalo ka dhageestay Shaqaalaha kala duwan ee Xafiiska Madxtooyada uu maanta xafiisyadooda ku booqday lana soo baray.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha Cusub waxa uu ku wareejiyay Hadiyado badan oo Qaali ah oo la siiyay intii uu Madaxweynaha ahaa ,Hadiyadahaas ay ku jiraan Saacad iyo Seef Dahab ka sameesan oo Sheekh Shariif Hadiyad ahaan horey loo siiyay iyo kuwo kale oo badan.

Madaxweynaha Cusub ayaana dhawaan la filayaa in in uu si toos ah ula wareego Xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kadib marka uu xilka la Wareejiyo Sheekh Shariif lana caleemo saaro Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM