afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:44 pm | Posted by

DAAWO+VIDEO:-Maamulka Khaatumo oo Wada Olole Dhuxul Joojin ah

Mudooyinkan Danbe waxaa Deeganadda Khaatumo Qaybo kamid ah oo Ay kamid tahay Tog-gog-ga Waawayn ee Canani Dameer iyo Kuwo kale kusoo Badanayey Koooxo dhuxulaysato ah oo markaasi Xaaluf ku Haya Deeganadda,waxaa Shalay Kormeer ku Tagey Madaxda Khaatumo ugu saraysa iyo Warbaahinta Deeganadda Khaatumo qaarkood oo RT Kamid ahayd,waxaanu soo Aragnay Qaybo kamid ah hadhaaga Goobo Kooxaha Dhuxulaysatadda ahi ka Guraan dhirta.

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac(INDHO-SHEEL) ayaa waxa uu ka digay Xaalufka Dhirta waxa uuna dadka xoolo dhaqatadda ah ee Deeganadaas ugu baaqay in ay maamulka kusoo wargaliyaan meelaha ay ku arkaan gubista dhuxsha,waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay kooxahana tirada yar ee xaalufka ku wada,walow dhawaan maamulka khaatumo digniin kama danbays ah warbaahinta u maiyey cid kasta oo dhuxusha ka ganacsada gubisteeda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horu-marinta Iyo Khayraadka Dabiiciga Mr:Ibraahim Guure oo Realtaleex kula hadlay Gudaa Taleex ayaa sheegay in aanay ka maamul ahaan u dul qaadan doonin hawlahan waxa uuna maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Taleex Ugu Baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan talaabo cad uga qaadan.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ahna Duqa Degmada Taleex Mr:Maxamuud Jaamac Shaacuur(ILWEYN) ayaa isna sheegay in maamulkiisa dehmada Sida ugu dhakhsaha Badan wax uga qabanayaan ayna u qorshaysanyihiin Qorshayaashii wax looga qaban lahaa dhuxulaysatadda.

Halkan Riix Si,aad Udaawato Video-ga

Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood31@hotmail.com




Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM