Olole Naafadeed Oo Maanta Laga Fuliyey Magaalada Buuhoodle, Ololahan Oo Qeyb Lixaadleh Ay Ka Geeysteen Ururka Qurbo Joogta SRO,Qurbo Jooga U Dhalatey Magaalada Iyo Duqa Maayirka Degmada Buuhoodle.(Sawiro+Warbixin)
Olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay degmada Buuhoodle ee caasimada gobolka Cayn, Ololahan oo ay qeyb lixaad leh ka qaateen Ururka SRO oo uu wakiil ka yahay Mudane Faarax Xaaji Cabdi iyo Duqa Magaalada Buuhoodle Cumar Xaaji Cabdi Akabe.
Ololahan ayaa bilaabmey saaka subaxnimadii ilaa iyo kadib salaadii duhurnimo, Yadoo ay sidoo kale ka qeyb qaateen shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle, Oo ay horkacayaan Xubno kamida Ururka SRO ” Faarax Xaaji Cabdi” iyo Maayirka gobolka Cayn ”Cumar Xaaji Cabdi Akabe”, Sidoo kale qaar ka mida qurbo joogta u dhalatey magaalada Buuhoodle.
Sikastaba ha ahaatee Ololahan maanta ka socdey gudaha magaalada Buuhoodle ayaa ahaa mid lagu daryeelayo bilicda Magaalada Buuhoodle, Yadoo habeenkii xaley ahaana gudaha magaalada Buuhoodle uu ka da’ay Roob lixaad leh, Waxaana isla saakaba shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle iyo madaxda gobolka Cayn ba ay ka qeyb qaateen sare u qaadista bilicda Magalaalada Buuhoodle.
Gabagabadii Ololahan Nadaafadeed ayaa waxaa qudbado kala duwan usoo jeediyey baxda saxaafada gobolka Cayn ugu horey Faarax Xaaji Cabdi oo ah Xubin Ururka SRO una sheegay Ururada qurba joogta ah in loo baahan yahay inay ka qeyb qaataan Horumarka iyo Bilicda Deegaanadooda Sool,Sanaag Iyo Cayn ba, Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadley Duqa Magaalada Buuhoodle Cumar Xaaji Cabdi oo sheegay isna in loo baahan yahay cid allaale cidii quruxda iyo Dhismaha deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn ba ka qeyb qaadaneysa.
Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Qeyb Ka Ah Warbixntan Ololaha Nadaafadeed Ee Manta Ka Socday Gudaha Magaalada Buuhoodle.


















Buuhoodle Eebbe ha dhawro,khayr,cissi,nabad,nolol iyo horumar ha siiyo. Salaan,mahad,taageero iyo duco baan u dirayaa dhammaan inta hawshan ku biirisay waxa ay awooddo(Fekerka,maalka,aqoonta,xoogga,dhiirigelinta iwm).
Midnimo isku tashi ayaa awood leh.Degaanada kale ee Khaatumo waa inay ku daydaan,kan Buuhoodle-na ka qayb qaataan.