Daawo+Sawiro:-Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo filimkii lagu aflagaadeeyey diinteena Suuban oo ka dhacay dalal badan
Banaanbaxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo aflagaadadii loo geystay diinteena Islaamka ayaa waxa ay ka dhaceen dalal badan oo caalamka islaamka ah.
Magaaloyinka ay ka baxeen banaanbaxyadan ayaa waxaa kamid ah magaalada Sanca ee dalka Yemen iyadoo halkaa uu ku dhintey hal ruux 15 kalana ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale banaanbaxyo ayaa waxaa ay ka dhaceen dalalka Malaysia, Bangladesh iyo Iraq.
Dalka Sudan ayaa banaanbaxyaal waxa ay xoog ku galeen safaaradaha Britain iyo Germany ee magaalada Khartoum.
Kumanaan ruux ayaa waxaa ay isugu soo baxeen magaalada Gaza iyo magaalada Rafah ee Pakistan kadib markii ururka Xamaas uu ugu baaqay dadka inay soo baxaan salaada jimce kadib.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay wateen calanka Xamas waxayyna gubeen calanka Maraykanka. Dalka Nigeria ayaa ammaanka la adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo in banaanbaxyo ay ka dhacaan.
Dowlada Maraykanka ayaa cambaareysey samaynti filimkan ay ka dhasheen banaanbaxyada waxaana hore loogu diley magaalada labaad ee ugu weyn dalka Libya Benghazi safiirka dowlada Maraykanka u fadhiyay dalka Libya. Waxayna dowlada Maraykanka ay u direen maraakib dagaal oo ay la socdaan ciidamada Mariniska.
Dowlada Libya ayaa waxa ay sheegtay in illaa afar ruux ay u qabatay dilkii loo geystey safiirkii Maraykanka u fadhiyey dalka Libya.
Banaanbaxyadan ayaa kuwoodii ugu waaweynaa ay ka dhaceen dalka Masar iyadoo kumanaan ruux ay isugu soo baxeen fagaaraha Taxriir halkaas oo dadku ay isugu soo urureen salaadii Jimcaha kadib. In kabadan labaatan ruux ayaa ku dhaawacantay banaanbaxyadan magaalada Qaahira ee dalka Masar.






