DHAGAYSO Faah Faahin: Kenya oo sheegtay in ay fashilisay qaraxyo loo gaysan lahaa Kaniisadaha Nairobi kadibb hubkii Islii lagu qabtay
Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa wali howlgalo xoogan ka wada xaafada Islii ee magaaladda Nairobi kadib markii ay sheegeen in ay fashiliyeen isku day weeraro ah oo dhiig badan uu ku daadan lahaa.
Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay Hub aad ubadan isugu jura Bambada nooca gacanta laga tuuro ah iyo kuwa dhulka lagu aaso, sidoo kale afar qori oo nooca AK47-da ah iyo rasaas badan.
Ciidamada la dagaalanka ARgagaxisda Kenya ayaa labo nin oo Soomaali ah uqabtay hubkaas kuwaas oo dadka deegaanka aysheegeen in labadii bil ee lasoo dhaafay ay deganaayeen guriga.
Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in la fashiliyay isku day qaraxyo ah oo lala maaganaa kaniisadaha kuyaal magaaladda Nairobi maalinta axadda ah ee soo aadan.
‘Waxaan fashilinay qorshe dhiig badan uu ku daadan lahaa oo lagu qaadi lahaa kaniisadaha Nairobi”ayuu sheegay Sargaalkan oo saxaafada lahadlayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wali su’aalo la weydiinayo labada nine e loo qabtay in ay lahaayeen hubkaas.
Waxaa wali ka soconaya xaafadda Islii baaritaano xoogan oo ay sameynayaan ciidamada Kenya taas oo lagu baadi goobayo rag kale oo la rumaysan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarada la qorsheynayay.
Xaaladda Islii ayaa saakay ahayd mid kacsan inkastoo ay haatan degan tahay, waxaana dadka ay isla dhexmarayaan waxa keenay in hubk