DAAWO SAWIRADA HUB LA QABTAY iyo Howlgalo wali ka socda qeybo kamid ah Xaafada Islii “
Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgalo balaaran wali ka wada qeybo kamid ah magaaladda Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.
Howlgaladan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada booliska la dagaalanka argagaxisda Kenya ay hub badan ka heleen xaafada Islii.
Hubkaas ayaa waxaa kamid ahaa Bambooyin isugu jira kuwa gacanta laga tuuro iyo kuwa dhulka lagu aaso, sidoo kale waxaa la helay qoryo AK47 ah iyo rasaas kale.






