DHAGAYSO: Kenya oo war kasoo saartay sababtii ay kulanka gaarka ah ula yeelatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Xili hadalo kala duwan ay kasoo baxayaan sababta ay dowlada Kenya wafdi deg deg ah ugu dirtay dalka Soomaaliya ayaa waxaa arimahaas kahadlay Mudane katirsan xubnihii lakulmay madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Aadan Keynan oo ah Xildhibaan laga soo doorto degmada Wajeer ayaa kamid ahaa xubnihii dowlada kenya ka socday ee kulanka gaarka ah la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaalia Xasan Sh Maxamuud.
Xildhibaankan ayaa sheegay in ugu horeyn ay Muqdisho utageen sidii ay ugu hanbalyey lahaayeen doorashada uu kusoo baxay sidoo kalana ay kala hadleen arimo ku aadan xaaladda labada dal.
Waxaa uu sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday sidii loogu talagalay hase ahaatee ay qal qal dareemeen markii weeraro xoogan lagu soo qaaday.
Dad badan ayaa aamisan in Kenya ay u ololeynayso in Ra’isul wasaare laga dhigo saaxiibkeedii ugu weynaa ee dowladii dhacday waana Dr C.Wali Maxamed cali Gaas.
Gaas ayaa goob joog ka ahaa kulanka dhexmaray dowlada Kenya iyo madaxweynaha cusub Xasan Sh Maxamuud.