afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:45 am | Posted by

Dr Cali CIise Cabdi Iyo Dr Cali KHaliif Galaydh oo socdaal ugu ambabaxay Magaaladda Nairobi

XIldhibaan Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi ayaa shalayto galab Diyaarad gaar ah oo nooca qaada Madaxdda Beesha Caalamka ee Soomaaliya imaanaysa waxa ay ka qaaday Madaarka Muqdisho waxana la sheegay in ay ku wajahan yihiin Magaaladda Nairobi halkas oo ay kulamo kula qaadayaana Beesha Caalamka ee Soomaaliya saaxiibka la ah iyo Madaxdda wadanka Kenya

Cali KHaliif Galaydh ayaa ah Xildhibaan miisaan Siyaasadeed ku leh Siyaasadda Soomaaliya ee xiligan waxana ay Awoodiisa Siyaasadeed toos u soo shaac baxday doorashadooyinkii is xigay ee Baarlamaanku ay yeesheen maadaaa doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu helay codod gaadhaya 77 xiligaas oo ay ka soo horjeedeen dhamaanba siyaasiyiinta Beelaha Daarood,Dir iyo Hawiyes sidoo kale guushii Madaxweyne Xasan SHiikh ayaa la rumaysan yahay in Mr Galaydh uu ahaa laf-dhabar muhiim ah maadaa uu wareegii hore ee doorashadda cododkii uu madaxweyne Xasan helay uu kala badh keenay waxana la rumaysan yahay in uu yahay Siyaasiyga ugu xulafaysiga iyo galaangalka badan xildhibanaadda Cusub

Dr Cali Ciise Cabdi ayaa ah Siyaasi saamayn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya waxana uu saaxiibo la yahay Beesha Caalamka Dr Cali CIise waxa uu Gudomiye u yahay Mac-hadka Cilmi baadhista iyo Siyaasadda ee Geeska Afrika kaas oo Dawlad Wanaag ka taageeray wadamadda Uganda.Tansai iyo Rwanda

socdaalka labadan Cali ayaa aad looga hadal ayaa magaaladda MUqdisho waxana la isweydiinayaa sababta xiligan ku soo beegtay maadaa ay soomaaliya xiliga ka baxday KM isla markaasna Madaxweynaha Cusub laga filaya in uu soo magacaabo R/wasaare cusub oo dalka ka saari dhibaatadda rgaaadsay 20 sanadood ee aynu soo dhaafnay

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Muqdisho Soomaaliya

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Dr Cali CIise Cabdi Iyo Dr Cali KHaliif Galaydh oo socdaal ugu ambabaxay Magaaladda Nairobi”

  1. M.H.Buraleh
    September 15, 2012 - 11:03 am

    Khaatumo way temi idinka Eebbena way jiridoontaa. Ummaduhu waxay bilaabaan baa jiilba jiil dhaxalsiiyaa. Banii Aadamku waa kii qaldama,waxaana ugu garasho iyo caqli roon inta qaladkooda wax ka barata,sixitaan iyo waayo aragnimo ka qaadata. Maamullada Somalia ka jira iyo Dawladda Dhexe ee Somalia ma jiro daw kale oo u furan aan ka ahayn inay ummadda Khaatumo ku ixtiraamaan rabitaankeeda,si loo wada helo nabad,nolol iyo horumar.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM