DAAWO+SAWIRO NAXDINLEH:Askari Katirsanaa Ciidamada Dowlada oo saakay Lasoo Dhigay Isagoo Qoorta Laga Soo Gooyay
Saakay aroortii ayaa waxaa deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Caasimada Muqdisho Lagu arkay meedka nin qoorta lagajaray oo lasoo dhigay halkaasi.
Meedkaani qoorta laga soo jaray ayaa waxaa saakay dadka deegaanka aay ku arkeen deegaanka xaawo cabdi iyadoona dadka deegaanka oo aan laxariirnay aay inoo cadeeyeen in qofkaasi uu gacmaha iyo logaha kaxirnaa.
Midkamidaa dadka deegaanka oo aan qadka telfoonka kula xariirnay ayaa waxaa uu inoo sheegay in qofka meedka uu katirsanaa ciidamada dowlada soomaaliya ee halkaasi kusugnaa.
Wararkale oo hoose ayaa sheegay in ninkaani shalay gaari uu saarnaa aay kala dageyn rag hubeesnaa oo aayna la aadeen dhanka iyo howdka iyadoona saakay meedkiisa lasoo dhigay wadada laamiga ee xafaad xaawo cabdi.
Waxaa lasheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa saaka ka soo qaadeen Maydka askarigaasi Qoorta laga jaray halkii la soo dhigay oo ahayd Deegaanka xaawa Cabdi iyagoo keenay Taliska Ciidanka Milatariga Fila Baydhabo sidaas waxaa Wakiilkeena muqdisho ugu waramay qof kamidaa dadkii deegaanka oo arkaya askariga qoorta laga gooyay.
Falalka Nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ku can baxay oo si wayn loogu xasuusanayaa marka la arko Qof Qoorta laga jaray Xarakada Al-Shabaab ee Xulafada la ah Ururka Al-Qaacida oo iyagu inta badan sheegta Falalka nuucaan ah, Mana ah markii ugu hureysay oo qof qoorta lagajaray lagu arko qeybo kamidaa gobalka banaadir iyo nawaxigooda.