TOOS U DAAWO:-Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub
Waxaa haatan si rasmi ah ubilaabatay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.
Aayadaha Qur’aanka Kariimka ayaa lagu furay munaasabada oo ay fadhiyaan dad aad ubadan oo ay kamid yihiin madax ka socota wadamada dariska iyo beesha Caalamka.
Madaxda Beesha Caalamka ayaa kusugan madasha ay ka dhacayso xaflada waxaana kamid ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismacil Cumar GEELLE, Madaxweynah Sudan Cumar Xasan Al-Bashir, Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, QM, Midowga Afrika, IGAD, Kenya, Tanzania, Uganda, Burundi, Midowga Yurub dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
Waxaa haatan hadalkii ugu horeeyay Khudbada ka jeedinaya Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.